DAAWO:- “Siyaasiyiinta xanaaqsan ma ogola in shidaalkeena lasoosaaro ”

1614

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay Shirka Shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada London ayaa waxa uu si kulul u weeraray Siyaasiyiin uu sheegay in ay Xanaaqsanyihiin, kuwaas oo ka soo horjeeda sida uu yiri horumarka dalka, doonaya in ay dib u dhigaan Dalka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu Dowladdii tan ka horeysay in ay heshiis lagashay Shirkado sahmin ku bilaabay goobaha ay macquulka tahay in laga heli karo Shidaalka welina aan la soo bandhigin faah-faahinada la xiriira waxa ka soo baxay baaritaankaas ay sameeyeen Shirkadaha heshiiska lala galay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan jirin dan ku jirta in la iska heysto Baaritaanada Sahminta, iyada oo ay jiraan dad badan oo danaynaya soo bandhigista Shidaalka,waxaana uu ku eedeeyay dadka ka hadlaya Shirka Shidaalka in ay yihiin kuwii dalka dib u dhigayay laga soo bilaabo 2000-ilaa iyo haatan.