DAAWO:-Somaliland oo dagaalka ka socda Laas-Caanood ku eedeysay Al-Shabaab

263

Afhayeenka Ciidanka Somalilamd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) ayaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka ka warbixiyay xaaladda Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo Maalibtii 9aad uu dagaal ka socdo.

Afhayeenka waxaa uu sheegay inay la dagaalamayaan dhalinyarro cadiifaysan oo ay argagixiso & Puntland ka dambeeyaan, oo ay hubka iyo agabyada bixinayso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka Somaliland aysan wali qaadin dagaal, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada in ay duntana ay diidan yihiin, hayeeshee Isimadda SSC cidna aysan maamulin sidoo kalena aysan jirin cid dhageysato hadaladooda, balse ay talada kala wareegeen Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Somalilamd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo ka hadlayay madaafiicda ku dhaceysa Magaaada Laas-Caanood ayuu sheegay in Madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo ay ka dambeeyaan Al Shabaab oo kusoo tuuraysa madaafiicda magaalada, si dambiga loo saaro ciidanka Somaliland.