DAAWO-Somaliland oo digniin cuslus u dirtay siyaasiyiinta Dhulbahante

1659

Maamulka Somaliland ayaa digniintii ugu cuslayd u diray siyaasiyiinta beelaha Dhulbahante ee u hanqal taagaya ka qaybgalka doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ee Somalia.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool ee Somaliland Saleebaan Diiriye Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa digniin u diray shaqsiyaadka doonaya inay olole musharax xildhibaano oo Soomaaliya ah ka samaystaan Somaliland gaar ahaan gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in xabsiga la dhigi doono qof walba oo isku daya inuu olole doorasho oo quseeya Soomaaliya ka sameeyo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, wuxuuna sidoo kale digniin u diray hotelada xafladaha lagu qabto. Guddoomiye ku-xigeenka Sool ayaa sheegay in gobolku yahay dhul Somaliland ah ciddii doonaysa inay Koonfur aaddana aysan soo geli karin wexeedana ay la aaddo magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

Waxa uu dhammaan isimada dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Dhulbahante uga digey inay isku dayaan ka qaybgalka waxyaabo quseeya doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.