DAAWO:-Somaliland oo kaqaylisay Sharciga Bartoolka Somalia oo Baarlamaanka DFS uu Ansixiyey

1640

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Sharciga Bartoolka ee dhowaan uu meel Mariyey Baarlamaanka Somalia, Iyadoo iska fogaysay inuu Xeerkaasi Qaban doono.

Sharciga waxaa ku xusan in dhamaan Heshiisyadii lala Saxeexday maamuladii dalka Wixii ka dambeeyay Burburkii dalka ay yihiin waxba kama jiraan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay Qodobkaasi iyo kuwa lamid ah ay u arkayaan dagaal dhaqaalle.

“Hadii Dadka Soomaaliyeed loogu danaynayo waanu soo dhowaynaynaa, Balse anaga Nama Quseeyo, Meel walba waanu gaadhsiinay, Somaliland heshiisyo way la gashaa Caalamka “.

Wasiirku wuxuu sheegay in Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee lagu dhisayo Xeerka, aysan Somaliland waxba uga jirin, Wuxuuna xusay in marka hore la helo wax ay Koonfurta Somalia u dhantahay, Wuxuuna sheegay inaysan meteli doono Xubnaha kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee Qayb ka noqda Hay’addaasi.