DAAWO:- Soomaliland halaga saaro Prof. Samatar Iyo Dr. Cali Khaliif

1774

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay inay Tallaabo ka Qaado Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Maalmihii lasoo dhaafay Kulamo ay Bulshada kula hadlayaan ku Qabtay magaalooyin dhowr ah.

Xildhibaan Nac-nac ayaa ku eedeeyay inay magaalooyinkii Somaliland ku Qabanayaan Doodo ay kusoo bandhigayaan Kulamo ah Somaliland la wada lahayn.

“Madaxwaynaha waxaan leeyahay Nimankaasi ka Qabo Ummadda, Waxaanu diidanay inay dhahaan Somaliland Lama wada Laha, Anaga waxyar baa Noo dhiman Xuduudkii, Waanu soo Ceshanay Dawladnimadii, Hadii aysan Somaliland Aqoonsanayn ha laga saaro Dalka“. Ayuu yidhi Nac-nac.

Isagoo ka hadlayey hadal kasoo yeedhay Xildhibaan Dhakool oo shalay sheegay in 18-may ay Beel gaar ah leedahay, ayuu sheegay inuu la haysato Galaydh iyo Samatar, Wuxuuna ku baaqay in Gacan xadiid ah wax looga qabto, Sida uu hadalka u dhigay.