DAAWO:-Taliyaha Haramcad oo kudhaawacmay dagaalkii maanta

1289

Waxaa soo kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaal saakay ka dhacay isgoyska banaadir, waxaana arintaas ka hadlay Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan.

Dagaalkaan ka dhacay  degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof oo iskugu jira Ciidamo iyo dad shacab ah,oo uu ka mid ahaa Wiil Cabitaan ku gadayay isgoyska banaadir.

Afhayeenka ayaa shaaciyey inuu dagaalka u dhexeeyey laba maleeshiyo beleed, isla-markaana ay ku baxeen ciidamada Booliska, kadibna rasaas lagu soo furay, sida uu hadalka u dhigay.

afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijyey dhaawaca taliyaha Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, sidoo kalena ay jiraan khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa dhismaha lagu dagaalamay.