DAAWO: Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Xamar oo isbitaal kala Soo Baxay Bukaan kuna Geeriyooday Gudaha Xabsiga Dhexe

1997

Taliyaha Xabsiga Dhexe Sarreeye Guute Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey inuu mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.

Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu Bukaanka jiifay, waxayna sheegeen inuu bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga Dhexe, isla markaasna ay ku buufsan tahay calaamadda Ciidamada Asluubta.

Bukaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ah isla markaasna koomo ku jiray ayey qoyska Bukaanka sheegeen inuu Taliyaha amray in laga furo koomada isla markaasna dib loogu celiyo Xabsiga Dhexe.

Qoyska Bukaanka oo muuqaal ka duubayey marka uu taliyaha falkaan sameenayey ayaa muuqaalka ku dhex sheegay waqtigaas inuu taliyaha awood u sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankaan haddii uu dhinto.

24 Saac kadib bukaanka ayaa ku dhex geeriyooday Xabsiga Dhexe, waxayna qoyska marxuumka sheegeen inaan la duugi doonin inta sharciga laga hor keenayo taliyihii sababta u ahaa in Isbitaalka laga soo saaro.

Qoyska Marxuumka ayaa Dowladda ka codsaday in lasoo qabto taliye Xirsiile isla markaasna laga qaado garaadaha u xiran lagana qaado magdhowga marxuumka geeriyooday.

Marxuumka geeriyooday ayaa ku xukunaa ilaa 8 sano, wuxuuna Xabsiga ku jiray muddo 3 sano iyo bilooyin ah.
Taliyaha xabsiga weli kama jawaabin eedeymaha loo jeediyey waana idin soo jeedin doonaa marka uu hadlo.