DAAWO:-Taliyihii ciiddanka Danab oo lasiidaayay

1936

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer kadib xabsiga ka sii deysay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kaas oo lagu soo eedeeyey musuq-maasuq.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sidoo kale dacwadaha waa weyn ee lagu soo oogay waxaa ka mid ahaa ku takrifal hub ay ciidamada Danab ka furteen Al-Shabaab.

Warsaxaafaded ka soo baxay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida waxaa lagu sheegay in xeer ilaalintu ay keeni weysay caddeymo ku filan eedeymaha loo soo jeediyey taliyihii hore ee Danab, sidaasina dib loogu celiyey xorriyaddiisa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeedeedka ku sheegtay in Taliska Ciidamada Xoogga Dalka uu ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay taliyihii Ciidanka DANAB ee xilka qaadista lagu sameeyay.

September Sideedii Sanadkan 2020-ka Odowa Yuusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta Militeriga ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Bishaan December Lixdeedii ayaa la dhageystay Afar marqaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Qareenada u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Sidoo kale xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab, hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.