DAAWO:-Taliyihii hogaaminayay ciidanka mucaradka oo shirjaraid qabtay

1412

Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta, saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga ayaa sheegaya in uusan jirin wadahadal iyo xiir dhexmaray masuuliyiinta dowladda ee xilligoodu dhamaaday.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo muuqaal uu soo duubay xalay ku sheegay in ay arrinta wadahadal ku dhameyn doonaan, isaga oo raaciyay in ciidamadu waajibkooda gutaan.
Arrintaan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadi difaacyo iyo dhufeyso caro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan walwal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.