DAAWO:-Trump oo mar kale weerar afka ku qaaday Ilhaan Cumar

1634

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaannada Haweenka Muslimiinta ah soo galootiga ah ee ku jira Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka, isagoo si gaar ah u abaaray gabadha gobolka Minnesota ku matasha aqalka Congress­ka Mareykanka.

Hadal uu ka jeediyay shir looga hadlayay siyaasadda ayuu ku sheegay iney jiraan Xildhibaano neceb mareykanka, iyadoo marka uu hadalkiisa intaasi ka sii dhamaanayay ay ku dhawaaqeen magaca Ilhaan Cumar qaar kamid ah dadkii goobta fadhiyay.

“waxaan ku heynaa aqalka hoose ee dalkan Xildhibaanno soo galooti ah,kuwaas oo neceb Mareykanka” ayuu yiri madaxweyne Trump, iyadoo hadalkiisa aad looga hadal hayo baraha Bulshada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqdo mid doonaya inuu dib u soo cusbooneysiiyo dagaalka afka ah ee kala dhaxeeya Ilhaan Cumar, isagoo dib u soo kiciyay dood ku saabsan loolanka u dhaxeeya isaga iyo Xildhibaannada ku jira Aqalka hoose ee ka socda Xisbiga Dimuqraadiga ah.

Aqalka a Congress­ka Mareykanka waxaa dhawaan ku soo biray Ilhaan iyo Rashida Tlaib oo ah Gabdhaha uu heysto Trump ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo Falastiin, iyagoo u taagan ka hortagida Siyaasada Trump waxeyna aad u cambaareeyaan siyaasadihiisa muslim naceybka ku dhisan.

Xiisada Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa banaanka u soo baxday bishii hore, xiligaas oo uu ugu baaqay iney iska casisho xubinimada Aqalka Hoose, iyadoo ku tilmaantay Trump inuu yahay shaqsi noloshiisa oo dhan lagu yaqaano naceybka Muslimiinta iyo dadka qaxootiga.

Mareykanka ayaa waxaa si indha la’aan ah uu u taageeraa Israel, waxaana Trump uu u aqoonsaday Magaaladda barakeysan ee Qudus bishii December ee 2017 inay tahay caasimadda Yahuudda, taasoo dunida si kala duwan uga falcelisay.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN