DAAWO: Trump oo mar kale weeraray Soomaalida

71

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbad goordhow soo gaban gabowday oo uu ka jeedinaya xarunta capitol hill ee ah aqalka Congress ka ee dalka Maraykanka waxa uu weerar afka ah ku qaaday Soomaalida.

Isagoo ka hadlayay waxa uu ku tilmaamay musuqmaasuqa ka dhacaya Mareykanka, madaxweyne Trump wuxuu ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenkiisa, JD Vance, uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax isdaba marinta.

Waxa uu sheegay in aysan jirin tusaale ka yaab badan Minnesota, gobolka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mraykanka, halkaas oo uu amray in lagu bilaabo la dagaalanka soogalootiga iyo dembiyada kale.

Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr Trump si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota isagoo sheegay – waa sida uu hadalka u dhigaye – in ‘burcadbadeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka, oo ay ka dhaceen balaayiin doollar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, ahna gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka, ayaa ku qeylisay Trump iyada oo istaagtay korna ugu qaylisay in Trump uu yahay beenaale.

Waxay ag fadhisay wakiilka Dimuqraadiga ee Rashida Tlaib, oo iyaduna ka falcelisay hadaladii qadafka ahaa ee Trump.


Haweenay ka tirsan Congress-ka oo dhanka kale ka fadhisay Ilhan Cumar ayaa soo laacday gacanteeda kadib xoog u qabatay ka dib markii Trump uu dhameeyay weerarkii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweyne Trump ee ku saabsan socdaalka ayaa waxaa ka soo horjeestay Dimuqraadiyiinta oo ku qaylyaya madaxweyne Trump xilli uu khudbadiisa jeedinayay.

Falcelinta ayaa timid ka dib markii uu ku xujeeyay dadkii goobtaa ku sugnaa inay fadhiga ka kacaan oo istaagaan haddii ay ku raacaan hadalkiisa ah in waajibaadka ugu horreeya ee dawladda Maraykanku ay tahay ilaalinta muwaadiniinta Maraykanka ee aan ahayn shisheeye sharci-darro ku soo galay dalka.

Si uu acabo dheerad ah uga helo Jamhuuriga – oo istaagay kuna dhawaaqayay ‘USA’ – wuxuu dhaleeceeyay Dimuqraadiyiinta fadhiya – isagoo leh waa inay isku xishoodaan.

Trump waxa uu sheegay in uu jiro “musuqmaasuq lagu dhacayo Ameerika”, oo ka jira afar gobol oo ay Dimuqraadigu hogaamiyaan, waxaana ay kala yihiin sida uu sheegay: Minnesota, California, Massachusetts iyo Maine.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Vance ayaa loo xilsaaray inuu xididada u siibo khiyaanada lagu cunayo lacagta cashuur bixiyayaasha Maraykanka oo gaaraysa ” balaayiin” dollar, ayuu yiri Trump.

Howlagallada lagula dagaalamo arimahaa ee Vance ayaa socday muddo afar bilood ah, ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay: “Haddii aan awoodno inaan in nagu filan ka ogaano khiyaanadaas, waxaan yeelan doonnaa miisaaniyad dheellitiran habeen gudahii.”

Trump ayaa horay marar kala duwan u weeraray bulshada Soomaaalida, isaga oo bishii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay xilli uu hadalo jeedinayay bulshada ku tilmaamay inay ‘waxba soo kordhin, uusana doonayn in dalka sii joogaan’.

Xilligaas oo uu ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno qashin.”

Mas’uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku dooday in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

Minneapolis iyo St Paul, oo si wadajir ah loogu yaqaan magaalooyinka mataanaha ah, ayaa hoy u ah mid ka mid ah bulshooyinka Soomaaliyeed ee ugu ballaaran adduunka ee ku nool qurbaha.

Sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha gudaha, waxaa halkaas ku nool ku dhowaad 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayna badankoodu yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

=XIGASHO BBC SOMALI=