DAAWO:-United Oo Ku tumatay Newcastle +SAWIRRO

1285

Man United ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Newcastle oo marti ugu aheyd wareegga 4-aad xilli Ronaldo oo xagaagaan ku soo laabtay United waliba kulankaan u ahaa kiisii ugu horeeyay uu shabaqa soo taabtay laba jeer waxa ayna ku badiyeen sedex gool oo nadiif ah

Sheekadda labada qeyb : Man United ayaa nasiinada ugu dirtay Newcastle  hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid waqtigii dheeriga ee dhamaadka ciyaarta waxaana dhaliyay saxiixooda cusub ee kooxda dib ugu soo laabtay ee Ronaldo

Guud ahaan qeybtaas hore United iyaga ayaa kubadda ku sareeyay balse ma jirrin halis gilin muuqata oo ay ku sameynayeen goosha Newcastle.

Newcastle kubad daafac oo ay wehliso rogaal celis ayay ciyaarayeen iyaga ayaana u nuglaa  in goolka hore lagu helo waana midda timid waqtigii dheeriga ciyaarta waxaana shabaqa taabtay Ronaldo oo uu kulankaan u ahaa kiisii ugu horeeyay ka ka dib markii xagaagaan uu ku soo laabtay United

Newcastle waxa ay ka sheeganayeen in marka kubadda cagtooda soo gasho in durba ay qasaarinayeen balse qaabka ay Ronaldo ilaalada uga qabteen waxa ay aheyd mid wacan.

Soo laabashadii , biloowgii Newcastle waa ku wacnaayeen in kubadda la qeybsadeen United waxa ayna u muuqdeen kuwo kacdoon sameyn odona halka daafac ahaan ay wacnaayeen xilli United ku adkeyd in kubadda si saxan u gaarsiiyaan goosha Newcastle

Newcastle gool qaladkiisa daafaca United leeyihiin ayay dhaliyeen maadaama si ka bad badis ah afka hore ugu soo dhaqaaqeen waxaana laga dhaliyay goolka bar bar dhaca daqiiqadii 56-aad

Balse United kama aysan qaadin niyad jab , dagaal ayayna ugu jireen gool labaad waxaana mar kale daqiiqaddii 62-aad gool cajiib ah dhaliyay Ronaldo daqiiqadii 62-aad

Newcastle kubadaha rogaal celiska ayay maciin badiyeen waxaana daqiiqadii 66-aad goolka bar bar dhaca ka bad baadiyay goolhaye De Gea balse guud ahaan United iyaga ayaa ku xoogganaa maamulka kubada.

Ka dib dhacadadaas , United toos ayay ugu awood sheegteen ilaa Bruno gool seexaad uu ka toogtay meel fog daqiiqadii 80-aad , ka dib ma jirin wax laga qoro oo ciyaarta hal dhinac ayay aheyd ilaa mar kale ay heleen gool 4-aad.