DAAWO:-“Waa in Al-Shabaab si buuxda loo cirib tiro”

384

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey isagoo ka hadlay dhinacyo badan oo khuseeya xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, sida amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

“Taageerada isasoo taraysa ee shacabka awgeed, waxa aannu ku kalsoonnahay in dowladdu ay Soomaaliya ka ciribtiri doonto argagaxisnimada, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed waxa ay ugu dambayn xaqiiqsatay in falalka cabburinta ah ee Al-Shabaab aanay joogsanayn ilaa aan dhammeenteen si wadajir ah tallaabo uga qaadaynno xaqiijinta himiladan. Marka la soo koobo, dadka Soomaaliyeed waxa ay hadda aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo, lana jebin doono. Arrintaasina waa tan dowlad ahaan na shidaalinaysa, rajana na gelinaysa inta aannu ku guda-jirno dagaalka ka dhanka ah argagaxisnimada caalamiga ah.” ayaa ka mid ahaa hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.