DAAWO:-”Waa koox doonaysa inay talada xoog ugu soo laabtaan”

1826

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dheer oo uu jeediyey kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, marxaladda kala guurka ee doorashooyinka, heshiiskii madaxdu ku gaareen Muqdisho, cidda ka baxday iyo arrimo kale.

Siciid Deni ayaa sheegay inay jiraan kooxo hor boodaya dowladda federalka ah oo doonaya sidii ay madaxda hadda joogta xafiiska ugu soo laaban lahayd, wuxuuna markale ka hadlay sababta uu ugu hal qabsado Gedo iyo xubnaha deegaamada Somaliland.