DAAWO:-Waare oo kashifay cida wada dhibaatada kataagan Boosaaso

1259

Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibadiis xiisada ka taagan magaalada Boosaaso, ee u dhaxeysa Madaxtooyada Puntland iyo Ciidanka PSF, kaddib xil ka qaadistii Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Maxamed Waare ayaa sheegay in PSF uusan xukumin Farmaajo, balse uu xukumo Siciid Deni, ayna tahay waxa hada ka taagan Boosaaso khalkhalgelin Amniga iyo jiritaanka Puntland.