DAAWO wararkii ugu dambeeyay weerarkii Gelato Divino

2599

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray, kaa oo isku qarxiyay maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo kutaala laamiga aada Garoonka Aadan Cadde.

Sida aan wararkan ku helnay ruuxan waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa beegsaday goob ay maqaayada ka fadhiyeen dhalinyaro badan oo halkaas u tagay in ay nasiino iyo waqti kusoo qaataan .

In ka badan shan qof ayaa ku dhintay qaraxan ismiidaaminta ee lagu qaaday maqaayada Jelato Devino, waxaana qaraxa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray dad kale oo goobtaasi ku sugnaa.

Dadka qaraxan ku dhintay waxaa kamid ah labo wiil oo kamid ahaa shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale dadka waxyeelada soo gaartay kamid ah shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga dareemayaa saameynta uu qaraxan reebay, waxaana baraha lasoo dhigayaa sawirada dhalinyaro qaraxaasi ku dhintay kuwaa murogo badan ku beeray asxaabtooda kana tacsiyadeenayaan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray saraakiil katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya kuwaa oo u kuur galaya khasaaraha uu reebay qaraxan , mana jiro ilaa hada faah faahino badan ay qaraxan ka bixiyeen laamaha amaanka Soomaaliya.

Qaraxyada ay fuliyaan dadka waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xira ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan cabsi badan ku abuureen shacabka taga goobaha lagu nasto laguna shaaho.