DAAWO WAREYSIGII MUSTAFA CAGJAR ee Tooska ahaa

1842

Madaxweynaha Soomali State Mustafa Muxummed Cumar oo xalay marti ku ahaa Barnaamijka Iffiye ee kabaxa Telefishinka UNIVERSALTV oo aan horey looga jecleyn deegaanka Soomaalida ayaa si durugsan uga hadlay waxyaabo badan oo ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna si gaar ah u soo qaaday arrimaha muhiimka ah.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa dul istaagay bilowgii barnaamijka soo koobid dhameystiran oo ku wajahan wixii u qabsoomay sannad iyo 8 bilood uu xaafiiska joogo, wuxuuna daaha ka rogay waxyaabo badan oo horey aan looga hirgalin deegaanka.

Madaxweyne Mustafa ayaa sheegay in markii ay xukunka la wareegayaan xaaladda gobalku ahayd, mid aan qofna maanta suureysan Karin, ilaa ay ka waramaan maahane dadkii joogay, isagoo ku sifeeyey in ay ahayd.

Markii koowaad ayay ahayd ee Madaxweyne xil-hayaa ogolaado barnaamij toos ah oo ay su`aalihiisa xor u yihiin Wariyayaasha, waxaana muuqata in Madaxweynaha deegaanka Soomaalidu uu furay jid cusub oo siyaasadeed.

Mustafa ayaa intii wareysigan socday beeniyey dhammaan arrimaha ku saleysan in ay dad maanta xabsiga ugu jiraan fikradahooda siyaasadeed, isagoo shaqsiyaad magacyadooda la yeeriyey oo laga sheegay goobta beeniyey cadeeyeyna in ay xor yihiin oo ay magaalada joogaan warbaahintuna la xariiri karto.