DAAWO:-Wasiir Beyle Oo beeniyay inuu diiday in liiska argagaxisada lagasaaro ONLF

857

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul kaga hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga faafiyay, kuwaasi oo ku aaddanaa Go’aankii maanta Golaha Wasiirada Rooble ay ku laaleen tallaadii ururka xaq u dirirka ah ee ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.

Warar laga faafiyay oo si weyn Baraha Bulshada la iskula dhexmaray, ayaa dahaarnaa in Wasiir Beyle uu maanta ka aamusay codayntii gacan taagga ahayd ee ururka ONLF looga saarayay Argagixisada, maadaama xukuumaddii ka horreysay RW Rooble ay horay u sheegtay in uururklaasi uu yahay mid arga-gixiso ah.

Cabduraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid ben abuur ah oo laga fafiyay, taasi oo aan sal iyo raad toona laahayn.

Waxaa uu sheegay in marnaba uusan diidin amase uusan ka hor imaan tallaabada ay qaadeen Golaha Wasiiradu, waxaana uu sheegay in uu soo jeediyay in ka doodista arrinta lagu soo daro ajandaha oo la weyneeyo, maaddaama aysan ku jirin Ajanddayaashii maanta loo  madalsanaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayuu aad ugu mahadceliyay, maaddaama uu qaaday tallaabo sida uu sheegay loo baahnaa,muhiimna ahayd.

Hadalka Wasiir Beyle ayaa imaanaya, iyadoo kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku laaleen tallaadii ururka ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.