DAAWO: Wasiir caydiid oo ilmeeyay markii uu xilka wareejinayay.

29

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiirka cusub, Farxaan Cali Xirsi, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday caasimadda Puntland ee Garowe.

Munaasabadda ayaa si gaar ah u soo jiidatay dareenka dadweynaha, kadib markii la arkay Caydiid oo ilmeynaya intii uu khudbaddiisa jeedinayay, muuqaalkaas oo si ballaaran ugu faafay baraha bulshada.

Intii uu hadlayay, Caydiid wuxuu si qiiro leh ugu dardaarmay wasiirka cusub iyo shaqaalaha wasaaradda, isaga oo carrabka ku adkeeyay culayska iyo xasaasiyadda shaqada warfaafinta.

Wuxuu sheegay in wasaaraddan ay laf-dhabar u tahay la socodka xogaha dowladda iyo difaaca wararka, isaga oo tusaale ahaan u adeegsaday hadal uu ku tilmaamay in mararka qaar xaaladaha warfaafintu ay la mid yihiin “Star Wars”, taas oo u baahan feejignaan joogto ah iyo la socod joogto ah oo xaaladaha ah.

“Wasaaraddan shaqadeedu waa mid aad u xasaasi ah, feejignaan iyo soo jeed joogto ah ayay u baahan tahay,” ayuu yiri Caydiid, isaga oo sidoo kale ku booriyay wasiirka cusub iyo masuuliyiinta kale ee dowladda in ay si dhow u wada shaqeeyaan.

Dhanka kale, xil ka qaadistiisa ayaa qayb ka ahayd isbeddel ballaaran oo uu dhawaan sameeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo saameeyay xubno muhiim ah oo ka tirsan golaha wasiirrada. Caydiid ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale taabtay wasiirro kale oo caan ah, oo ay ka mid yihiin Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo Maxamed Cabdiwahaab, kuwaas oo door muuqda ku lahaa difaaca siyaasadaha xukuumadda Puntland.