DAAWO: Wasiir Isloow Oo Dilkii Almaas Su’aal Laga weydiiyey

1734

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aalo kala duwan waxay weydiiyeen Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Isloow) iyadoo su’aalahaas qeyb ka yihiin Dilkii Almaas Elman loo geystay Bishii Hore.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi inay Hay’ada Nabad sugida ku dhaqanto waxyaabo ka baxsan Sharciga oo Afduub iyo Dadka ay xirato intay rabto heysato.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa Su’aalo isagana la weydiiyey ciidamada Dawlada Ee La wareegtay kuna sugan Gobolka Gedo,oo markii hore Jubbaland katirsan.

Su’aal Culus oo la weydiiyey Wasiir Isloow ayaa Aheyd “Muxuu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uga soo haraa markii la weydiiyey iyo Jawaabta wixii uu ka yiri.