DAAWO:- Wasiir Khadiijo Diiriye “Dadkii rabay inay ibaaraan uma ekeen shaqaallo Caafimaad”

1824

Wasiirka dhalinyaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka jawaabtay Video hadal aheyn badan dhaliyay oo qabsaday baraha bulshadda kaasoo muujinayay Wasiirada oo ka biyo diiday in lagu sameeyo baaritaano la xariira Cudurka Coronovirus xili ay ku sugneyd garoonka Aadan Cadde kana soo laabatay dalka Turkiga.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay iska soo duubtay ayaa sheegtay in aysan diidin baaritaan, balse kooxda dooneysay inay baarto aysan laheyn Muuqaal Dhaqaatiir, iyadoo xustay iney xirnaayeen dharka Engineerada.

“Dadakii rabay inay i baaraan uma ekeen shaqaalo Caafimaad ee waxay u ekaayeen Injineero Dhismo” ayey tiri Wasiirad Khadiijo Diiriye oo wasaarada caafimaadka ku dhaliishay qaabka ay cudurka uga baareyso dadka dalka soo galaya ineysan aheyn mid haboon.

HOOS KA DAAWO JAWAABTA WASIIRAD KHADIIJO