DAAWO:-Wasiirkii ugu horeeyey oo iska casilay

656


Maxamed C/qaadir Cali oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Qaranka ee Xukuumada Somalia ayaa xilkaas iska casilay wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada oo galabta la shaaciyey.

Maxamed C/qaadir Cali oo ka soo jeeda degaanada Puntland ayaa shaaciyey sababta uu isku casilay oo uu ku sheegay beeshiisa oo uu xusay ineysan u qalmin iney qaataan xilkaas.

“Maadaama beel ahaan aanan u qalmin xilkan Wasiir ku-xigeenka qorsheynta waan iska casilay xilkan, waxaan lahaan jirnay wasiir full ah, maadaama beeshu ay heysato Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka waxay aheyd in wasiir u qalma la siiyo” ayuu yiri Maxamed C/qaadir Cali.

Maxamed C/qaadir Cali oo xogheyn u ahaa Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Sacdiya Salaad ayey wararku sheegayaan inuu filayey in loo magacaabo Wasiir ku xigeenka Maaliyada, wuxuuna noqonayaa xubintii ugu horeysay ee iska casila golaha cusub ee wasiirada.