
Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ahaa mas’uulkii ku dhawaaqay go’aankii sababay mudaharaadyada Boorama ayaa xalay sheegay in uu iska casilay xilka.
Wasiir Axmed Yaasiin oo ka soo jeeda gobolka Awdal una dhashay beesha Samaroon ayaa sheegay in uusan qaadan karin inuu ku dhawaaqo go’aanka reerkiisu ku kacay, kan uu ku dagayana uu ku dhawaaqo madaxweyne Cirro.
“Maanta ku sawirmi maayo go’aanka qaraar ee reerkaygu ku kacayo in aan anigu akhriyo, kan macaan ee reerkaygu ku dagayana uu madaxweynuhu afhayeen isku noqdo” ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.
Wasiir Axmed Yaasiin ayaa noqday wasiirkii koowaad ee iska casila xukuumadda madaxweyne Cirro oo hadda sannadkii u horreeyay u buuxsamayo.
Iscasilada wasiirka ayaa ku soo beegantay xili maalintii afraad ciidamada Somaliland ay xasuuq ka wadaan magaalada Boorama halkaasoo ay ka socdaan iska horimaadyo u dhexeeya iyaga iyo shacabka magaaladaas.
Ugu yaraan 25 qof ayaa illaa hadda la soo werinayaa iney ku dhinteen halka dad ka badan 100 ay ku dhaawacmeen sida wararku sheegayaan, waxaana dadkaas intooda badan ay yihiin shacab lala dhacau rasaas.




















