Daawo Wasiiro Magacaabistooda Khilaaf ka taagnaa oo la dhaariyay +Sawiro

1500

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay balse uu kasoo horjeestay magaacbistooda Madaxweyne kuxigeenka .

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Siciid Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada ayaa marka hore maamulka iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday maanta Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray.

Xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee la dhaariyey ayaa kala ahaa.

1- Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2- Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3- Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4- Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
5- Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6- Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7- Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Wasiiradan ayaa la magacaabay 22-kii bishan Maarjo, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaana sharci darro ku tilmaamay magacaabistooda oo sheegay in aan lagala tashan.