DAAWO:-Waxaa gacanta ku heynaa 12 askari oo saaka xabad kala horyimid Ciidanka Booliska

124

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed oo beegsaday ciidamo boolis ah oo howlgal wado furis ah waday.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muhiimad siinayo nolol wadaagga bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana gacan siinayo maamulka degmada Hodan si loo bixiyo wadooyin ayaa waxaa soo weeraray koox gaar ah oo heybeysan, kuwaas oo shaqadii qaranka loo hayay ka horyimid” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeen Cabdifataax ayaa sheegay in layaab ay ku noqotay in askar isugu jirta qeybaha kala duwan ee ciidamada in sanadkan 2024 u dagaalamaan reer ahaan ama qabiil, wuxuuna xusay in dhacdada maanta loo soo xiray 12 ruux.

“Waxaa lasoo qabtay ilaa 12 maxbuus oo ku xiran saldhigga degmada Hodan oo la rabo 24saac lagu horgeeyo maxkamad, Waxaa la yaab noqotay in iyadoo 2024 lagu jiro in Shaqsiyaad ciidanka ka tirsan oo isugu jira askar iyo saraakil iney ku fikirayaan iney la saftaan qabiilkooda” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Booliiska ayaa kusoo aadaya, kadib dagaal la sheegay iney ku dhinteen laba ruux, islamarkaana ku dhaawacmeen 5 ruux oo kale oo maanta ka dhacay xaafad ku taala agagaarka Isgoyska Ex kontarool Afgooye.