DAAWO:-“Waxaan shaacinaynaa liiska nabaddoono iyo ganacsato la shaqeysa Al-Shabaab”

1202

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay inay Ciidammada Amniga Puntland bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah dadka taageera kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Guddoomiye Sanyare ayaa xusay in laga guuleystay maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee dilalka iyo falalka argagixiso ka geysan jiray Gaalkacyo, balse ay magaalada ku hareen dad isugu jira nabaddoono, ganacsato, shaqaale Hay’adeed iyo xubno kale oo taageero siin jiray argagixisada, kuwaas oo u qeybsanaa labo kooxood ‘qeyb fikir ahaan taageerta Al-Shabaab iyo qeyb baqdin ula shaqeyn jirtay’.

Waxaa uu sheegay inay shaacin doonaan liiska dadkaas oo ay hayaan laamaha ammaanka, ayna bilaabi doonaan mowjadii labaad ee howlgallo ka dhan ah dadkaas, ayna si gaar ah u beegsan doonaan dadka sida gaarka ah u taageera fikirka argagixisada.