DAAWO:-Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotel Afrik oo kuyaala Muqdisho

1566

Weerar isugu jiray Qarax gaari loo adeegsaday iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday hotelka Afrika ee kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Koox hubeesan oo banaanka Hotelka ku diyaarsaneed ayaa qaraxa kadib gudaha u galay hotelka, waxa ayna halkaasi ka bilaabeen in rasaas ku furaan qaar kamid ah dadkii hotelka ku sugnaa ay ku jiraan masuuliyiin iyo saraakiil.

Gudaha Hotelka Afrika ayaa wali laga maqlayaa rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada amaanka iyo kooxda hubeesan ee guadaha u gashay Hotelka, waxaana mararka qaar la maqlayaa bambaanooyin iyo qaraxyop hotelka gudihiisa ka dhacaya.

Ciidamada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa soo bad baadiyay qaar kamid ah dadkii Hotelka ku sugnaa ay ku jiraan Saraakiil ciidan uu kamid ah yahay Jenearaal Indha Cadde ,Odayaal iyo ganacsato Caan ah.

Wali si dhab ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan galabta lagu qaaday Hotelka Afrika, waxaana wali ciidamada amaanka isku dayayaan in ay soo afjaraan howlgalka.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan galabta lagu qaaday Hotelka Aftika, waxa ayna Al Shabaab sheegtay in masuuliyiin iyo saraakiil waxyeelo kasoo gaartay weerarka Hotelka ku qaadeen.