DAAWO:-Will Smith oo kashalaayay dharbaaxadii uu ku dhuftay Rock

1128

Jilaaga caanka ah ee Will Smith ayaa raali-gelin siiyay majaajileyste Chris Rock oo uu wejiga ka dharbaaxay xilli uu daahinayay xafladda abaalmarinta xidigaha aflaamta ee the Oscars.

Smith ayaa sheegay in falka uu ku kacay uu ahaa mid aan “la aqbali karin, isla markaana aan qiil lahayn”.

“Waxaan jeclahay in aan si shaac baxsan kuu raali-geliyo Chris. Xadkii baan ka baxay oo khalad ayaan sameeyay,” ayuu ku yiri farriin dheer oo uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Raali-gelinta Smith ayaa timid kadib markii uu mac-hadka aflaamta ee the Oscars cambaareeyay gacan qaadkiisa, isla markaana uu shaaciyay inuu dib u eegis rasmi ah sameyn doono dhacdada, kadibna uu qaadi doono tallaabada ku haboon.

Xidigan ka soo muuqday filimaan badan oo Hollywood ah ayaa Chris Rock si xun u dharbaaxay kadib markii hadal kaftan ah ku yiri xaaskiisa, Jada Pinkett Smith.

Rock ayaa si kaftan ah u tilmaamay madaxa xiiran ee haweenaydaas, oo uu ku dhacay xanuun jara timaha oo loo yaqaano alopecia.

Dharbaaxada kadib, Will Smith ayaa ku guulaystay abaalmarintii u horreysay ee uu ka helo the Oscars, isagoo ku mutaystay filinka King Richard oo uu ku matelayay aabaha dhalay xidigaha tenniska ee Venus iyo Serena Williams.

“Nooc kasta oo gacan qaad ah waa mid sun ah oo burbur horseeda. Kaftanka waa wax furan, balse waxaan qaadan waayay in lagu maadeeyo xaaladda caafimaad ee Jada, si qiiro leh ayaana u falceliyay,” ayuu farriintiisa ku sheegay Will Smith.

Jada Pinkett Smith ayaa u muuqatay mid ka xumaatay kaftanka, halka uu Will Smith markii hore ku qoslay, balse uu gadaal kala xumaaday hadalka, kadibna inta uu masraxa fuulay halkaa ku dharbaaxay Chris Rock.

Maajileystaha ayaa u muuqday mid ka argagaxay dharbaaxada ku dhacday, balse waxyar kadib waxa uu dadkii daawanayay u sheegay, “waxay ahayd habeenkii ugu weynayd taariikhda telefishinka.”

Waaxda booliska Los Angeles ayaa u sheegtay warbaahinta Variety in Rock uu “ka gaabsaday inuu dacwo ka gudbiyo Will Smith” dhacdada kadib.

Markii la gudoonsiiyay abaalmarinta jilaaga ugu wanaagsan, ayaa Smith waxa uu sheegay in ninka uu matelayay ee Richard Williams uu ahaa “mid si weyn u difaaca qoyskiisa”, isagoo intaa raaciyay in jaceylka uu qofka ku qaado waxyaabo waali ah.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay inuu rajeynayo in mac-hadka filimaanta ee the Oscors uu markale ku martiqaadi doono xafladihiisa.