Daawo:- XAAF oo uduulay Kenya “Shirkii Wuxuu dhamaaday waxaan lagu Farxin

1477

Axmed Ducaalle Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe markii uu sheegay inuu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga ee ka socdey magaalada Garoowe maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xaaf waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagtooiyay Senator C/raxmaan Faroole iyo Senator Juurile oo labaduba ka tirsan aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay inuu safar ku tegayo magaalada Nairobi ee Kenya, waxaana uu fashilka ku yimid shirkii Garoowe ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Galmudug ayaa noqotay maamulkii u horreeyay ee warsaxafadeed ka soo saara shirkii wadatashiga Garoowe, kaasi oo ay sheegeen inuu fashil ku dhammaaday, iyagoo eedana dusha uga tuuray Dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa garoowe ku sugan Madaxwaynaha DFS, Raysal wasaaraha , Madaxda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo puntland oo marti gelisay shirka.