DAAWO: Xaafiiska NABAD iyo NOLOL oo laga furay gobalka Barri

1737

Qaar kamid ah shacabka magaalada Xido ee gobalka Barri ayaa ku dhawaaqay in ay magaaladaas ka furteen xarunta xisbi siyaasadeedka Nabad iyo Nolol oo ah mid ay ku mideysan yihiin madaxda sare ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Kulan lagu qabtay magaalada Xido ayaa lagu sheegay in ay shacabka magaaladaas xor u yihiin aragtidooda siyaasadeed oo ay soo dhaweynayaan Xisbiga dawladda, iyagoo sheegay in ay dadaal badan galinayaan sidii Soomaaliya uga guuri lahayd nidamka qabaliga ah ee 4.5.

Shacabka hadlay qaarkood ayaa sheegay in kasokow dadaalka madaxda dawladda Faderaalka ee galida doorashooyinka loo madlan yahay, haddana ay raali ka yihiin waxqabadkooda.

Qaar kamid ah waxgaradka magaalada ayaa sheegay in ay kufaraxsan yihiin in ay noqdaan mid kamid ah xarumaha u horeeya ee laga furay gobalka Barri ee Puntland, iyagoo cadeeyey in ay door weyn ka qaadanayaan geedi socodka siyaasadda.

Magaalada Xido ee xaruntan laga furay ayaa kamid ah deegaan doorashada Senator Cabdirisaaq Cismaan Xassan Jurile iyo Xildhibaan Cumar Waaberi oo labaduba katirsan baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya.