DAAWO:-Xagla Toosiye “Muuse Biixi, ciidankaaga kala bax dhulka deegaankan”

245

Ex. Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye, haddana ah guddoomiyaha urur-siyaasadeedka ‘Shacabka Somaliland’ ayaa usoo jeediyay Muuse Biixi in uu ciidankiisa kala baxo Laascaanood.

“Muusow ciidamadaada kala bax deegaanada dadka Laascaanood, cidda aad dagaalka ku wadaa maaha argagixiso ee waa dadkii deegaanka ee aad hore carruurtooda u laysay, waxaad dawladdii xoogga badnayd kula dagaalanteen idinka yeeli mayno maanta” ayuu yidhi Xaglotoosiye.

Dagaalka ayaa maalintii Saddexaad ka socda Magaalada Laascaanood, waxaana la soo sheegayaa khasaare gaadhay bulshada rayidka ah.

Labada dhinac ayaana sicad uga hadlin ilaa hada khasaaraha soo kala gaadhay.