DAAWO:-Xamse “Dalka wuxuu yeelanayaa kaliya Madaxwayne ku xigeen”

268

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay, walaaca ka taagan qodobadii kasoo baxay, shirkii golaha wadatashiga qaran ee habeen kahor Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Mr.Xamse, aya sheegay in qodobada ku qoran warmurtiyeedka ay ahaayeen kuwo laga baaraan dagay oo aad loo hubiyay kana soo burqaday maskaxda madaxdii shirtay, go’aankase uu uyaalo golaha shacabka BFS.

Waxa uu xusay in ay jiraan siyaasiyiin durba dooda ka keenay qodobada qaar ee shirka kasoo baxay inkastoo uusan carabaabin siyaasiyiintaas hadana wuxuu usheegay in aysan habooneen in shacabka ay buuq iyo walwal ku abuuraan.

Waxa uu tibaaxay, in arinta laga walwalsan yahay ay tahay qodobka lagu xusay in laga guurayo nidaamkii 30kii sano ee lasoo dhaafay ku dhisneyd dowladda loona laalabanayo nidaamkii lahu dhaqmi jiray 30kaas sano kahor.

Isagoo faahfaahinaya wuxuu yahay nidaamkaas ayaa sheegay in dalka uu yeelan doono Madaxwayne ku xigeen lagana maarmi doono booska Ra’iisal Wasaaraha.

Nidaamkaas waa kii ay ku dhisneed dowladii meleteriga ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, waana tan walwalka ay durba ka muujiyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliyeed.

Tan iyo markii uu soo baxay warmurtiyeedkii shirka golaha wadatashiga qaran, waxaa diidmo ka keenay siyaasiyiin ubadan kuwa reer Puntland oo ay ugu horreeyaan Ra’iisal Wasaarayaashii hore ee dalka oo kala ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo qoraalo ay soo qoreen ku sheegeen in warmurtiyeedkaaasi uu dalka xaalad qatar ah u horseedi karo.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad Casho Sharaf ah oo xalay ka dhacday Xarunta Dowladda hoose ee Xamar, taas oo loo qabtay madaxdii ka qayb gashay shirkii Golaha Wadatashiga qaranka.