
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay la wareegista magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in Koonfur Galbeed ay cagta saartay waddada doorasho qof iyo cod ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uusan jiri doonin aargoosi siyaasadeed, isla markaana aan cidna loo ogolaan doonin inay carqaladeyso ammaanka Baydhabo, oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin oo ay iyagu soo doortaan.
“Lama ogolaanayo, haba yaraatee wax qalalaase ah, kala aargoosi, qabyaaladayn iyo mushkilad kama dhici karto magaalada Baydhabo. Waxaana runtii dadka reer Koonfur Galbeed ugu bushaareynayaa inay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin oo loo xulin, balse iyagu keensadaan oo doortaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Sidoo kale, wuxuu si cad u sheegay in aysan Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ka dhici doonin doorasho aan ahayn qof iyo cod, isagoo u quus gooyay siyaasiyiinta mucaaradka ee taageerada u muujiyay Cabdicasiis Lafta-gareen.
“Waxaan uga digayaa cid kasta oo ku fikiraysa wax (doorasho qof iyo cod) ka duwan inaysan kusoo tala-gelin, meeshaas (Baydhabo) kama jiraan waxaas, kamana socon karaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa mucaaradka ee Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa shalay awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen oo toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay, ayaa shalay intii uusan u duulin dalka Kenya u magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Wasiir Axmed oo ahaa wasiir si weyn ugu dhow Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hoggaaminaya Koonfur Galbeed illaa iyo inta xal kama dambeys ah laga helayo.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan guda galeysa maamul u sameynta Koonfur Galbeed, iyadoo qorshuhu yahay inay halkaas ka qabato doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo si weyn uga soo horjeedaan mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Hoos ka daawo muuqaalka




















