DAAWO:-Xamza oo Puntland ku eedeeyay inay hortagan tahay dayn cafinta

236

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa diray baaq ku aaddan xaaladda Puntland iyo xiriirka kala dhexeeya Hay’adaha Federaalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in aan la siyaasadeyn horumarka, lagana shaqeeyo danta Qaranka iyo darooshooyin la isku raacsan yahay oo ka dhaca Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka iyo la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan.

Xamse ayaa sheegay in barnaamijka deyn cafinta Somalia uu haatan marayo meel aad u fiican, ayna arrintaas ka wada shaqeynayaan wasaararadaha Maaliyada DF iyo dowlad goboleedyada marka laga reebo Puntland oo uu xusay iney qarka u saaran tahay iney fashiliso geedi socodkaas mudada dheer la soo waday.

HOOS KA DAAWO XAMSE OO SIDOO KALE SI KULUL UGA HOR YIMID QAABKA DENI U WAJAHAYO DOORASHOOYINKA PUNTLAND OO SI WEYN LOO DHALIILAY.