DAAWO:-Xamze Cabdi Barre oo lagu soodhaweeyay Tunisia +SAWIRRO

205

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale.

Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.