DAAWO:- Xarunta Bangiga dhiiga oo Muqdisho laga furay

98

Waxaa si rasmi ah u howl-gashay xarunta bangiga dhiigga qaranka, taas oo si toos ah u shaqeyn doonta wixii maanta ka dambeeya, sida uu ku dhowaaqay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan.

Munaasabadda shaacinta ololaha dhiigga bixinta ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayey xidhibaano ka tirsan BF, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, maamulka agaasimaha bangiga dhiigga, agaasimaha isbitaalka Banaadir iyo xubno kale.

Dhamaan madaxdii maanta tagtey ee uu hogaaminayey wasiirka caafimaadka ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya maadaama ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhismaha bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howl-galo maalintii shalay oo ay taariikhdu aheyd 26, August 2024.

Tan ayaa qeyb ka ah gaaritaanka yoolka horumarinta caafimaadka guud ee dalka, sidoo kale wuxuu si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda caafimaadka ee xudunta udub dhexaadka u ah kaydinta dhiiga iyo muwaadinku si sahlan uu uga dhiman dhiig la’aan.

Howl-galinta Bangiga dhiigga waa tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan, sidoo kale waa tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee ku qeexan qorshaha qaranka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale waa tallaabo door muhiim ah ka ciyaareysa yoolka fog ee ah in ay bulshadeennu ku naalooto caafimaad haqab-tiran.

Bangigan ayaa fududayn doono hellitaanka dhiigga xilli kasta oo loo baahan yahay iyo in muwaadinka Soomaaliyeed la yiraahdo dhiig baa loo waayey, taas oo caqabad wayn ku aheyd in muwaadinka u baahan loo hello gargaarka dhiigga, waxa uuna bangigan ka qayb qaadan doona in ay fududaado bixinta adeegga caafimaadka gaar ahaan xilliyada gurmadka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale ku dhawaaqey ololaha bulshada Soomaaliyeed ugu qeyb qaadan karto keydinta dhiigga si looga maarmo in mararka ay dhacdo xaaladaha deg-degga ah in baraha bulshada laga naadiyo dhiigagga loo baahan yahay ama la waayo.

Wasaaradda caafimaadka ayuu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta caafimaadka, si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta caafimaadka, maadaama caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.