
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadahadal ah ku yeeshay magaalada Ankara, kaddibna si wadajir ah ugu qabtay shir jaraa’id.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in inkasta oo ay jireen falal carqaladeyn ah oo ay sameeyeen dad aan doonayn in Soomaaliya dib u istaagto, haddana horumar la taaban karo laga gaaray dhinaca amniga dalka. Wuxuu xusay in Turkigu sii xoojinayo garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Annagoo adeegsanayna tababarka iyo taageerada qalab ee aan siinnay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo aflaxay Xarunta Tababarka Militariga Turkiga, waxaan muujinnay sida aan uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo intaa ku daray in ciidamada Soomaaliya ay dhawaan guulo muuqda ka gaareen la dagaallanka argagixisada.
Dhanka dhaqaalaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, Madaxweyne Erdoğan ayaa shaaciyay in markabka cilmi-baarista seismic-ka ah ee Turkiga, Oruç Reis, uu sagaal bilood cilmi-baaris ka waday biyaha Soomaaliya. Cilmi-baaristan oo lagu sameeyay dhul-badeed dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran ayaa noqotay tii ugu horreysay ee noocan ah ee taariikhda Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray in Turkigu qorsheynayo inuu billowdo hawlgallada qodista sannadka 2026, kuwaas oo la filayo inay wax weyn ka beddelaan nolosha iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Turkiga ayaa howlgalkiisa ku daray laba markab oo cusub oo qodista badda qoto-dheer ah, mid ka mid ahna uu ka hawlgeli doono xeebaha Soomaaliya.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sidoo kale ka hadlay iskaashi cusub oo dhinaca hawada sare (space) ah, isagoo sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay hirgelinayaan iskaashi taariikhi ah. “Iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare (spaceport), isla markaana aan abuurno kaabayaal la xiriira ridista dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada satellite-ka,” ayuu yiri.
Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha Turkiga ayaa si cad u muujiyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan midnimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya ay Turkiga mudnaan gaar ah u leedahay xaalad kasta.
“Go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland waa mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo xusay in mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland lagu go’aamin karo oo keliya qaab ka tarjumaya rabitaanka dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Gebogebadii, Madaxweynaha Turkiga ayaa adkeeyay in dalkiisu si joogto ah u taageeri doono midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu garab istaagi doono shacabka Soomaaliyeed inta uu socdo geeddi-socodka nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.




















