DAAWO: Xasan oo aqbalay dalabkii Mucaaradka

40

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu danbeyn galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu aqbalay dalabkii mucaaradka ee ahaa inay ka wada hadalaan doorashada islamarkaana uu qaabilo.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad galabta ay qabsadeen Xisbiga uu madaxda ka yahay ee JSP halkaasoo uu kula hadlay boqolaal shacab ah
oo taageersan xisbigiisa.
“Warkii Kismaayo kasoo yeeray war ha la wada hadlooy aan ka qaaday, Caaydii iyo tahdiidkii ay ku hadleen ma dhibsanayno” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.