
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay aqoonsiga sharci darrada ah ee ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in waxa uu sameeyay Ra’iisul wasaare Netanyahu aysan horay usoo marin Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa marka kale ku celiyay mowqifka dowladda federaalka ay ku diiday aqoonsigaas, wuxuuna tilmaamay in marnaba aysan u ogolaan doonin in la qaybiyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toos Barlamaanka ula wadaay laba arrimood oo aysan dowladda Soomaaliyeed ka ogolaan doonin Yahuuda, wuxuuna midda koowaad oo ay diidan yihiin ku sheegay in saldhigyo milatari oo ay ka duusho ka dhisato Gobollada Waqooyi oo ay hadda u aqoosatay dal madax bannaan.
“Soomaaliya ma ogolo in dhulkeeda loo adeegsado saldhigyo looga duulo dalal kale, waxayna diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato xasiloonida gobolka iyo caalamka guud ahaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.
Midda labaad waxa uu ku sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in shacabka Falastiin si qasab loogu soo raro dhulkaasi, iyaga oo lagala wareegayo dhulkooda.
“Soomaaliya ma aqbali doono in shacabka Falastiin si qasab ah looga soo guuriyo dhulkooda ay xaqa u leeyihiin, qasabna loo geeyo meel kale oo ka baxsan dhulkooda, ha noqoto Soomaaliya ama meel kale”. ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay u istaagi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaacayaan madax banaanidooda, si looga hortago xadgudubka Israa’iil.
“Soomaaliya waxaa ka go’an inay qaado tallaabo kasto oo diblumaasiyadeed iyo qaanuun oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax banaanideeda midnimadeeda iyo xuduudaheeda ee uu caalamka aqoonsan yahay” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray saaxibada caalamka, isaga oo ugu baaqay in Soomaaliya ay ku garab istaagaan difaaca qaranimadeeda.
“Waxaan ugu baaqeynaa dalalka aan saaxibada nahay iyo guud ahaan hay’adaha dowliga ah ee caalamka in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ku garab istaagaan dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay isaga difaaceyso dulmiga, xadgudubka qaawan ee uu Netanyahu kula kacay Soomaaliya iyo shacabkeeda” ayuu khudbaddiisa kusoo gabagabaeeyay.





















