DAAWO:-Xasan Sheekh oo ogolaaday inuu la hadlo Deni iyo Axmed Madoobe

103

Madxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka iyo xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee xilligan kala dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada ee Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka ee haatan ka socda gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Camal walaal camankoo galaa, carrabkaana looga bixiyaa, macnaheedu waxaa waayay walaalkaa haddii uu xanaaqo xagga ayuu fariisanayaa, laakiin waa lala hadlaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu u safro magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, ama ay iyagu yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay isaga, Saciid iyo Axmed Madoobe uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah.

Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu aanay qaadi doonin tallaabo ka dhan ah labadaasi maamul, balse go’aammada ay soo saarayaan ay noqon doonaan kuwo ay raalli ka noqdaan oo ay ku jirto maslaxdda guud iyo horumarka dalka.

Wax kasta oo aan qaadeynana waxay noqon doonaan wax ay raalli ka noqdaan wax ay ka qoomameeyaan ma noqon doonaan, waana u howl haynaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo ku kala tegay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.