Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, islamarkaana shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isaga iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka la weeraray, xilli uu socday shir xasaasi ah.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka joojiyeen shirkooda, isaga oo ku eedeeyay inuu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Aniga ayaa la’isoo weeraray anoo hadlaya ayaa ciidan la isoo dul dhigay, boorkii ayaa nagala fujiyay, Xasan Shiikhow beenlow ayaa tahay waana kula dagaallameeynaa,” ayuu yiri Xildhibaanku.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa mideynta 5 xisbi siyaasadeed, islamarkaana ay shirka uga hadlayeen kaliya mustaqbalka xisbiyada iyo horumarintooda.
Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay caddeyneyso in madaxweyne Xasan uusan daacad ka ahayn qorshihiisa doorashooyinka qof iyo codka ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Tan ayaa caddeyneyso in aanam rabin doorasho qof iyo cod ah, inaad xisbiyadii dalka kusoo weerartid meeshii ay ku shirayeen oo ay ku midoobaayeen midnimo diid ayaa tahay,” ayuu sii raaciyay Xildhibaan Daahir Jeesow.
Waxaa kale oo uu Xildhibaanku yiri “Waxaan ogolahay doorasho xaq ah oo xalaal ah loo dhan yahay heshiis lagu yahay inay ka dhacdo dalka”.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeynta loo jeediyay oo kusoo aaday, xilli uu weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan sida loo wajahayo doorashooyinka dalka.