DAAWO;.Xassan Sheekh inuu Cali Jeyte ugu tago Baladweyne oo uu dhaho ‘abti maxaan kuu sameeyaa’

199

Siyaasiga Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, kadib wareysi uu bixiyay.

Gaas ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu dabac-sanaan muujiyo, isla-markaana uu tego gobolka Hiiraan, maadaama uu hadda joogo Dhuusamareeb.

Siyaasi Cabdiweli Gaas ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday gadoodka Cali Jayte Cismaan ee ku aadan HirShabelle, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay inuu Xasan Sheekh u tago ninkaasi, kadibna uu kala hadlo xiisadda ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay.

“Waa maxay Problem-ka ku jira haddii madaxweyne Xasan Sheikh uu u tago Cali Jeyte,? kuna dhaho, “Abti muxuu yahay problem-kaagu. Cali hadduu xujo ka dhigay tegitaanka Muqdisho, waxaa la rabaa in madaxweynuhu xujadaas furo oo u tago Cali Jeyte” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxweynaha la rabo inuu il gaar ah ula haado arrinta reer Hiiraan, isla-markaana u qanciyo tabashadooda, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

“Maanta dowldnimada waa Fragile (Nugushahay), qabiil kastana Veto Power ayuu leeyahay. Marka waxaa loo baahan yahay in dadkaasi lasoo dhoweeyo oo la yiraahdo muxuu yahay Concernkiina,” ayuu markale wareysiga ku yiri Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Hiiraan uu kamid yahay gobollada muhiimka ah ee dalka, isla-markaana dadka degan ay dulmi ka tabanayaan nidaamka awood qeybsiga maamul goboleedka HirShabeelle, kaas oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda culus ee ka taagan Beledweyne, maadaama uu maamulka ‘Hiiraan State’ uga dhawaaqay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo ay isku dhaceen hoggaanka sare ee HirShabelle.