DAAWO:-Xeer Ilaalinta Guud ee Puntland oo u hanjabay Ganacsatada

1786

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa digniin u dirtey Ganacsatada la soo degta badeecooyinka,balse iska indha-tira Canshuurta Sharciga ah ee ku waajibtay taasina ay ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku jabinayaan mid kamid ah Sharciyada u yaalla Puntland.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa sheegay inay dhexda u xirteen sidii ay u hor-istaagi lahaayeen Ganacsatada la soo degta Badeecooyinka ee diida bixinta Canshuurta.

Waxaa uu sheegay inay dacwad kusoo oogi doonaan Ganacsaatadaas ka hor-yimid bixinta Canshuurta oo kamid ah qofka diida dambiyada waaweyn ee Puntland,waxaana uu sidoo kale uu digniin culus u direy Ganacsatada keena waxyaabaha maanka dooriya.

Hadalka xeer Ilaaliye Kuxigeenka Guud ee Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Ganacsatada Magaalooyinka,Boosaaso iyo Gaalkacyo ay Shaqa joojin ku dhawaaqeen,kadib markii ay sheegeen in Canshuur xad-dhaaf ah lagu soo rogay.