DAAWO:-“Xildhibaan Aamina waxaa loo dilay kiiska Ikraan”

926

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa sheegay inay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, loo dilay cadaalad u raadinta Ikraan oo aheyd sarkaal kamid ah Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran, taas oo la afduubtay, kaddibna la dilay.

Hooyo Qaali oo saxaafadda la hadashay ayaa xustay in Xildhibaan Aamina oo ku geeryootay Qarax Ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Beledweyne, loo beegsaday u doodista xaquuqda Ikraan Tahliil, loona dilay si aysan ugu soo laaban Baarlamaanka, una wadin kiiska Ikraan.