DAAWO:- Xildhibaan Dhakool oo Maxkamad lasoo taagay Isagoo Gacmaha ka xidhan

1523

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeisa.

Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xireen magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex.

Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada.

Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay.