DAAWO:-Xildhibaan Jeesoow “waa in Guddi loo saaraa kiiska ikraan Tahliil”

589

Kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax ayaa waji cusub yeeshay kadib markii taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin oo horey loogu eedeeyay kiiskaasi iska dafiray dushana ka saaray in dilkaasi ka dambeeyeen masuuliyiin dowladda katirsan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, taliyaha cusub ee NISA iyo xubno kale oo dowladda katirsan ka dambeeyeen dilka Ikraan Tahliil sidoo kale dalal shisheeye kiiskaasi ku lug lahaayeen.

Xildhibaanada beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil ayaa kahor yimid isku tuur tuurka dilka Ikraan Tahliil, waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan mar kale in kiiskaasi baaritaan hor leh lagu sameeyo si cadaalad loogu helo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Maanta hadal ka jeediyay Kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan ku qancin isku eedeynta faraha badan ee maqnaanshaha Ikraan Tahliil iyo hadalkii kasoo yeeray Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin in isaga iyo xildhibaanada kale ee beeshiisa ku qancin isku tuurka kiiska Ikraan, waxa uuna xusay masuuliyiintii la rabay in kiiskaasi baaraan iyagu isku eedeenayaan, isagoona dalbaday in guddi cusub oo baaris kiskaasi loo magacaabo.

Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sargaalad katirsan Hay’adda NISA ayaa la waayay 26-kii Juun ee sannadkii hore, waxaana markii dambe NISA sheegtay in Al Shabaab dileen, waxaana kiiskaasi hada yeeshay waji cusub kadib markii uu ka hadlay Fahad Yaasiin oo horey loogu eedeenayay isagoona dhankiisa eedeynta dilkaasi masuuliyiin dusha ka saaray.