Daawo: Xildhibaan Jeesow “Nairobi waa laga qaxaa haduu dagaal dhaco”

2094

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay khilaafka cusub ee ka dhextaagan kenya iyo Soomaaliya kaasi oo dowladda Kenya ay abuurtay.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xad gudub cad ku sameysay Soomaaliya isagoo sheegay in goaankii Kenya ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya uu abuuray xiisad kale oo Saameynteeda yeelanaysa.

Ciidamada kaga sugan Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahan yahay inay dhaqso kagala baxdo dalka waxaana uu cadeeyay in weerar kaliya ay ka sugayaan dowladda Kenya.

Xildhibaan Jeesoow ayaa yiri “Kenya waxa aan ka sugnaa waa inay Diyaaradahoodi iyo ciidankooda ay nagu soo weeraraan, waxaan leenahay weerar kama baqeyno oo Soomaali baan unahay, hadii Dagaal uu dhaco waan hubaa in Nairobi laga qaxayo, Dowlada Soomaaliya si kasta waa inay Dalka Ka saartaa ciidamada Kenya”.

Hadalkaan wuxuu sheegay xildhibaan Jeesow kadib wareysi uu siiyay Somali Cable Tv isago ay ka muuqatay caro badan.

Kenya ayaa seddex sharuud oo adag ku xirtay wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya waxaana ugu horeeyay inay dowladda Soomaaliya ka laabato soo bandhigii shidaalka Lagu soo bandhigay shirkii London.