DAAWO:-Xildhibaan Jeesow Odawaa markuu hadlaayo Kuraasta hoostoda aan gali jiray

1543

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha cusub ee dib loo doortay ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in kiiska dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax uu ka gaabsaday oo miiska hoostiisa uu galay, maalmihii la is dhaafsanaayey doodaha culus ee ku soobsanaa dhiibistii muwaadinkaas.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa masuuliyiin xildhibaano u badan oo lagu casuumay munaasabad loogu dabaal-degaayey dib u soo doorashada Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo Jeesow ku tilmaamay ninkii ugu cod-karsanaa xildhibaanadii Farmaajo taageersanaa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Cabdiraxamaan Odawaa uu doodo adag la yimid markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikaariin Qalbidhagax oo ururka ONLF ka tirsan, balse uu ka Daahir ahaan doodahaas ka dhuuma jiray.

“Sanadihii lasoo dhaafay baarlamaanku wuxuu ahaa laba group, waxaan Cabdiraxmaan Odawaa ku xasuustaa markii la dhiibay Qalbidhagax inuu baarlamaanka u noqday Sheekh wacdiya, anigana waan ka dhuuntay oo kuraasta hoostooda ayaan ka galay,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale Jeesow ayaa qiray in hormuudkii baarlamaanka ay ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa, isagoo xildhibaanada cusub ka codsaday in kala aragti duwanaantii hore mid lamid ah aysan ku soo noqon baarlamaanka 11-aad.