DAAWO:-Xildhibaan sheegay in baarlamanka Shabaab kabuuxaan

285

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si adag uga horyimid hadal uu kulankii maanta ee golaha shacabka ka sheegay Xildhibaan Shariif Mustafa.

Xildhibaan Shariif Mustafa ayaa golaha ka horsheegay inay kula jiraan oo ay xubno ka yihiin xildhibaano Al-Shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay, xili uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda.

“Shabaab inta ayuu ku jiraa, maxaa been iskugu sheegayna argagixiso inta ayuu ku jiraa ee aan iska xoreyno,” ayuu si carro leh u yiri Xildhibaan Shariif Mustafa.

Xildhibaan Odowaa oo ka daba qaatay hadalka ayaa ugu horeyn ka dalbaday Xildhibaanka in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkiisa, islamarkaana uu golaha dhex fadhin Shabaab.

“Xildhibaan Shariif Mustafa meeshan Shabaab ma joogo xildhibaanada qaranka loo soo doortay ayaa jooga. Warkaas cudur daar in aad ka bixiso ayaa raba aniga oo ku hadlaya magaca xildhibaanada baarlamaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Warkaas baarlamaanka ma qabto, qof walba inta uu iska xanaaqo oo dhaho inta Shabaab ayaa fadhiya, meeshan Shabaab ma fadhiya oo laguma oga.”

Hadalkan ayaa si weyn uga careysiiyay xildhibaanada golaha, waxaana la ogyahay in arrintaan ay suuqa taallay xilligii doorashada baarlamaanka 11-aad ay ka socotay dalka, xiligaasi oo laga deyrinayay saameynta ay Shabaab ku yeelan karto baarlamaanka cusub.

Al-Shabaab ayaa waxaa xiligan ku socda dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, kaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.