
Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo dhawaan uun kusoo laabtay dalka.
Xaadoole oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay doorashooyinka dalka ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fiirsadaan madaxda tageysa ee hadane kusoo laabaneysa dalka marka ay soo dhawaato doorashada.
“Ma rabno 4 sano kadib inay noo timaado laba nin oo boorso la rooreyso marka uu Term-ka soo dhawaado, uuna sii socdo qaraxa iyo is-miidaamiska” ayuu yiri Xidlhibaan Xaadoole.
Xidlhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn u difaacay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay in ay soo bateen dadka aflagaadeynayo, uuna ka digayo arrintaasi.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoogga saaraan nabad-gelyada, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga dalka.
“Waxaan rabnaa amnigaan inuu sii jiro oo waaro oo meel kasto gobollada dalka Soomaaliya ah laga hirgeliyo” ayuu mar kale yiri Cismaan Xaadoole.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xubnaha mucaaradka, waxaana weli dood xooggan ay ka taagan tahay hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha Villa Somalia ee qof iyo cod.




















